Al Shabaab Oo Sheegtay in ay Mas'uul ka aheyd doon ku degtay duleedka Marka.

Monday October 21, 2019 - 18:48:03 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegtay in ay Mas'uul ka aheyd doon ku degtay duleedka Marka.

    Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray Doon ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka oo ku degtay xeebaha magaalada Marka ee Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray Doon ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka oo ku degtay xeebaha magaalada Marka ee Sh/Hoose.


War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay in ciidamadoodu ay weerar Kamiin badgal ah ay udhigeen Doon kasoo amba baxday magaalada Muqdisho kunasii jeedday magaalada Marka.

"Mujaahidiinta ayaa weerar Kamiin ah badda gunteeda ugu dhigay maleeshiyaad katirsan Kooxda Riddada xiili ay Doon ku safrayeen Alle fadligiis waxaa suurtagashay in Baasuukayaal ay lahelaan doonta taas oo sababtay in ay rogmato" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Wararka ayaa intaas ku daraya in Doontan degtay lagu weeraray inta udhaxaysa deegaanka Jaziira iyo magaalada Marka gaar ahaan meel dhanka Bari uga beegan Xarunta Sh/Hoose.

Naaquudihii Doonta ayaa kamid ah dadka badbaaday balse waxaa dhintay illaa Afar askari oo katirsan guutada 14-ka Oktoobar iyadoona askarta qaar oo biyaha badda ku haftay lasoo badbaadiyay.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badanaa oo Al Shabaab ay ciidamada dowladda ugu geysato badda gunteeda, horay ayay Al Shabaab ciidamada dowladda uga jartay dhammaan waddooyinka soo gala magaalada Marka taas oo ciidamadan ku qasabtay in ay saadka ku gudubsadaan doomo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items