Ciidamada Dowladda oo dad Shacab ah ku dilay Hodon iyo Huriwaa.

Tuesday October 22, 2019 - 09:57:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo dad Shacab ah ku dilay Hodon iyo Huriwaa.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal kala duwan oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka ay saacadihii lasoo dhaafay dad shacab ah ugu geysteen xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal kala duwan oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka ay saacadihii lasoo dhaafay dad shacab ah ugu geysteen xaafado katirsan magaalada Muqdisho.



Askari katirsan ciidamada Booliska ayaa isgoyska Ex,contarol Balcad ku dilay wiil dhalinyara ah oo darawal ka ahaa moota Bajaaj, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in askarigu uu qeybaha sare ee jirka ka toogtay qofka shacabka ah.

Dhinaca kale ugu yaraan Afar qof shacab ah ayaa dhimatay kadib markii gaari dagaal oo ay wateen ciidamada dowladda uu si bareer ah ujiiray Moota Bajaaj xilli ay taagneed isgoyska Ex.Contarool Afgooye.

Gaari nuuca Cabdi bilaha loo yaqaan ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Bangaraafta ayaa jiiray mootada waxaana isla goobta ku dhintay afar ruux oo dhammaantood ahaa rag.



Isbuuc walba ciidamada dowladda ayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ku dila wadayaasha gaadiidka Moota Bajaajta loo yaqaan oo ah gaadiid waayihii dambe kusoo badanayay magaalada caasimadda ah iyo deegaannada ku dhow.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items