Qarax Nin Mas'uul ah lagu dhaawacay oo ka dhacay Ceelasha Biyaha.

Tuesday October 22, 2019 - 11:05:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Nin Mas'uul ah lagu dhaawacay oo ka dhacay Ceelasha Biyaha.

    Mas'uul sare oo katirsanaa maamulka degmada Lafoole ayaa lagu dilay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Mas'uul sare oo katirsanaa maamulka degmada Lafoole ayaa lagu dilay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.



Qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa lala eegtay eegtay madaxa Maaliyadda deegaanka Lafoole iyo askar ilaala u ahaa.

Qaraxa ayaa haleeley gaari nooca raaxada ah oo uu watay Iimaan Max'med Cabdow oo ah madaxa Maaliyadda deegaanka Lafoole waxaana halkaas kasoo gaaray dhaawac.

Sidoo kale waxaa la dhaawacmey asakri kamid ahaa ilaaladiisa, xilligaasna la saarnaa gaariga uu qaraxu haleelay, Iimaan Maxa’ed Cabdow ayaa xaaladiisa lala tacaalayaa, waxaana masuuliyadda qaraxa lagu beegsaday sheegtay Xarakada Al-Shabaab.



Deegaannada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho waxaa isbuuc walba ka dhaca qaraxyo qorshaysan oo lala beegsado ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda, marmarka qaarna xoogaga Al Shabaab dilal ugu geystay saraakiisha dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items