Al-Shabaab Oo 46 Milyan Ugu Deeqday Qoysas Ku Guryo Waayay Dab Qabsaday Tuulo Hoos Tagta Qoryooley.

Tuesday October 22, 2019 - 11:13:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo 46 Milyan Ugu Deeqday Qoysas Ku Guryo Waayay Dab Qabsaday Tuulo Hoos Tagta Qoryooley.

    Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa adduun lacageed oo gaaraya 46 Milyan oo shilinka Soomaaliga ah gaarsiiyay 16 qoys oo ku guryo beelay dab qabsaday guryahooda oo ku yaalla tuulada "Baraakada Cumar Axmad Gaas" oo hoos tagta degmada Qory

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa adduun lacageed oo gaaraya 46 Milyan oo shilinka Soomaaliga ah gaarsiiyay 16 qoys oo ku guryo beelay dab qabsaday guryahooda oo ku yaalla tuulada "Baraakada Cumar Axmad Gaas" oo hoos tagta degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.



Ka hor inta aanan lacagtan la qeybin, waxaa tuulada loo diray dad qiimeyn ku sameeya tirada guryaha gubtay iyo lacagta ku baxaysa dib u dhiskooda, waxaana ay soo gudbiyeen in dhaqaalaha lagu dhisi karo 16 guri oo mudullo u badnaa ay gaareyso 46 Milyan.

Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa si degdeg ah uga jawaabay qiimeynta gudiga waxaana ay tuulada gaarsiiyeen lacagta iyagoo qoys walba gacanta ka saaray intii lagu qiimeeyay dib u dhiska gurigiisa.



Qoysaska lacagta la gaarsiiyay ayaa muujiyay dareen farxad leh, iyagoo u duceeyay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkan ka dhagayso Warbixin Gurmad la gaarsiiyay Dad Guryo ka gubteen oo ku nool duleedka Qoryooley.


Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items