Taliban oo Weerar Cagmarin ah ka fulisay Waqooyiga Wadanka Afghanistan.

Tuesday October 22, 2019 - 19:08:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Weerar Cagmarin ah ka fulisay Waqooyiga Wadanka Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in tobanaan kamid ah askarta iyo saraakiisha xukuumadda dabadhilifka Kaabuul ay dhinteen kadib weerar aad u xooggan oo dagaalyahanada Imaarada Islaamiga ah ay ku qaadeen saldhig melleteri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in tobanaan kamid ah askarta iyo saraakiisha xukuumadda dabadhilifka Kaabuul ay dhinteen kadib weerar aad u xooggan oo dagaalyahanada Imaarada Islaamiga ah ay ku qaadeen saldhig melleteri.



Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan imaarada Islaamiga ah ayaa saaka aroortii weerar kula jarmaaday xarun melleteri oo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Cali Abaad oo katirsan wilaayada Qunduuz ee dhacda waqooyiga wadanka Afghanistan.

Ugu yaraan 20 kamid ah ciidamada cadowga oo sedax kamid ah ay ahaayeen hoggaamiyaal melleteri ayaa ku dhintay weerarkan cagmarinta ah sida lagu sheegay war rasmi ah oo uu soo saaray sheekh dabiiixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka imaarada islaamiga ah.



Saraakiisha ku dhintay weerarka waxaa kamid ah jeneraal Amiir Maxamuud iyo hoggaamiye shareeb khaan, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta saldhigga melleteri ee laweeraray waxayna qaniimeysteen saanado melleteri oo goobta yiillay.

sidoo kale dagaalyahannada Taliban ayaa gubay 2 gaari oo nuuca gaashaaman ah, weerarkan ay mujaahidiinta Taliban qaadeen ayaa qeyb ka ah howlgalka Alfatxi ee xilliga guga sanad walba looga dhawaaqo afghanistan.

Related Items