Ruushka iyo Turkiga oo Maleeshiyaadka Kurdiyiinta uqabtay in 150 maalmood gudahood ay uga baxaan Waqooyiga Suuriya.

Wednesday October 23, 2019 - 10:27:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka iyo Turkiga oo Maleeshiyaadka Kurdiyiinta uqabtay in 150 maalmood gudahood ay uga baxaan Waqooyiga Suuriya.

    Maleeshiyaadka Kooxaha Kurdiyiinta Suuriya ayaa wajahaya xaalad aad u adag kadib markii uu garabkooda ka baxay Mareykanka oo muddo sanada ah ku adeeganayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Kooxaha Kurdiyiinta Suuriya ayaa wajahaya xaalad aad u adag kadib markii uu garabkooda ka baxay Mareykanka oo muddo sanada ah ku adeeganayay.


Heshiis cusub oo ay wada gaareen madaxda dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa dhigaya in 150 saacadood gudahood maleeshiyaadka Kurdiyiinta laga saaro dhul ballaaran oo dhaca bariga wabiga Furaat ee Waqooyiga wadanka Suuriya.

Hoggaamiyaasha labada dowladood ayaa isla saxiixda heshiis dhigaya in dhammaan magaalooyinka bariga ka xiga wabiga Furaat laga saaro maleeshiyaadka Kurdiyiinta muddo 6 maalmood ah.


Mas'uul Ruushiyaan ah ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in dowladda Mareykanka ay khiyaamaysay jabhadaha Kurdiyiinta sidaas daraadeed haddii aysan 150 saacadood uga bixin deegaannada ay ku wajahanyihiin ciidamada Turkiga ay lakulmi doonaan gummaad.

Qodobada heshiiska waxaa kamid ah in ciidamo Russian iyo Turki ah ay howlgallo roondayn joogta ah ku sameeyaan deegaannada ay ka baxaan Kooxaha Kurdiyiinta.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Kurdiyiintu ay fuliyeen qodobadii heshiiskii hore islamarkaana ay ka baxeen dhowr magaalo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items