Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhigga Melleteri Ee Baar Sanguuni.

Wednesday October 23, 2019 - 11:05:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhigga Melleteri Ee Baar Sanguuni.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale weerar hubeysan lagu qaaday saldhig ay ku sugaanayeen maleeshiyaad uu Mareykanku tababaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale weerar hubeysan lagu qaaday saldhig ay ku sugaanayeen maleeshiyaad uu Mareykanku tababaray.


Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa madaafiic ku duqeeyay saldhigga maleeshiyaadka Bangaraafta ee kuyaal deegaanka Baar Sanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicdii lagu garaacayay gudaha saldhigga, qiic iyo uuro madoow ayaa sheedda laga arkayay xilligii ay madaafiicdu ku hoobanaysay gudaha saldhigga.


illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan madaafiicda ah ee lagu qaaday saldhigga Baar Sanguuni mana ahan markii ugu horraysay ee uu weerar kala kulmo Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items