Dowladda Mareykanka oo la wareegtay Ceelasha Shidaalka dalka Suuriya.

Wednesday October 23, 2019 - 19:30:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo la wareegtay Ceelasha Shidaalka dalka Suuriya.

    Dowladaha shisheeye ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday wadanka Suuriya ayaa bilaabay in ay kala qeybsadaan kheyraadka wadankaasi kadib markii ay dhul ballaaran gummeysi ku qabsadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha shisheeye ee duullaanka gardarrada ah ku qaaday wadanka Suuriya ayaa bilaabay in ay kala qeybsadaan kheyraadka wadankaasi kadib markii ay dhul ballaaran gummeysi ku qabsadeen.


Wararka ka imaanaya Bariga Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka ay saldhigyo ka sameysteen hareeraha ceelasha shidaalka ugu waaweyn wadanka ayna bilaabeen in ay sugaan amniga shirkado American ah oo halkaas degay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Donald Trump madaxweynaha Mareykanka ayuu ku sheegay in boqolaal askar American ah ay baaqi kusii ahaan doonaan gobolka Deyruzuur ee dalka Suuriya si ay u ilaaliyaan ceelasha shidaalka.


Trump oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Washington ayaa yiri "boqolaal kamid ah ciidamadeenna ayaa kusii sugnaan doona wadanka Suuriya si ay u ilaaliyaan ceelasha shidaalka iyo masaalixda Mareykanka ee mandiqadda".

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa goor sii horraysay shaacisay in 200 oo kamid ah ciidamada Americanka ay ilaalin doonaan shirkadaha shidaalka Mareykanka ee ka shaqeynaya ceelasha naftada Suuriya.

Dowladda Mareykanka oo dhowaan sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxayso Waqooyiga Suuriya ayaa umuuqata in ay doonayso boobidda dhaqaalaha wadankaas waxaana xusid mudan iyo dowlado ay kamid yihiin Iiraan iyo Ruushka ay iyana qeyb ka yihiin shisheeyaha boobka ku haya kheyraadka Suuriya.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items