Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax sarkaal UN-ka katirsan lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay.

Thursday October 24, 2019 - 08:42:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax sarkaal UN-ka katirsan lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay gudaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday saraakiil katirsan dowladda Federaalka iyo Q.Midoobay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo xalay gudaha magaalada Muqdisho lagula beegsaday saraakiil katirsan dowladda Federaalka iyo Q.Midoobay.


Qarax gaari oo ka dhacay degmada Waaberi ayaa lagu beegsaday shaqaale katirsanaa xafiiska R/wasaare Xasan Cali Kheyre iyo sarkaal u shaqeynayay UN-ka.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Waaberi waxaa ku dhintay nin sarkaal ah oo ushaqeynayay Q.Midoobay kaas oo magaciisa lagusoo gaabiyay Bashiir Waaloow.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan ka dhacay degmada Waaberi sida ay baahisay Idaacadda Andalus, markii uu qaraxu dhacay kadib ayay goobta soo gaareen ciidamo katirsan DF-ka iyagoo daabulay dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu burburay gaarigii qaraxu beegsaday ee ay la socdeen shaqaalaha xafiiska Xasan Cali Kheyre iyo sarkaalka katirsan UN-ka ee ladilay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items