Gaari siday Meydadka 39 qof oo lagu qabtay dalka Britain.

Thursday October 24, 2019 - 09:19:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gaari siday Meydadka 39 qof oo lagu qabtay dalka Britain.

    Booliska dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaari xamuul ah xilli uu marayay Koontaroolka lagasoo galo magaalada Essex ee dhacda Koonfur galbeed wadanka Britain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaari xamuul ah xilli uu marayay Koontaroolka lagasoo galo magaalada Essex ee dhacda Koonfur galbeed wadanka Britain.


Gaariga oo ka yimid dhanka wadanka Bugaria waxaa kaxaynayay nin 25 sana jir ah oo kasoo jeeda gobolka Ireland.

Dadka dhintay oo loo badinayo in ay ahaayeen Tahriibayaal ayaa lagusoo dhax qariyay gaari xamuul ah oo qafilan waxaana la sheegay in ay neef qabatoomeen kadib markii ay waayeen meel ay ka neefsadaan.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Ingiriiska ayaa si aad ah u hadal haysa dhacdadan waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo cidda mas'uulka ka aheyd fal dambiyeedkan.


Wadamada dhaca qaaradda Yurub waxaa sanadadii dambe kusoo badanayay qulqulka dadka tahriibayaasha ah balse kooxaha mukhallasiinta ah ee dadka tahriibiya ayaa ku kacaya falal aad ugurracan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items