Dibad baxyo ka dhan ah Abiy Axmed oo ka bilaawday Wadanka Itoobiya.

Thursday October 24, 2019 - 09:37:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo ka dhan ah Abiy Axmed oo ka bilaawday Wadanka Itoobiya.

    Dibad baxyo rabshado wata ayaa dib uga bilaawday gobollada ay degto qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo rabshado wata ayaa dib uga bilaawday gobollada ay degto qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya.


Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in kumanaan kun oo qof ay waddooyinka isugusoo baxeen waxayna kasoo horjeedaan Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha wadanka.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa taageera u muujinayay nin saxafi mucaarad ah oo lagu magacaabo Jawaar Mux'med kaas oo maalin ka hor sheegay in xukuumaddu ay kala laabatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa magaalada Addis Ababa islamarkaana xaaladdiisa ammaan ay halis ku jirto.


Muuqaallo Video ah oo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay dadka dibad baxyada dhigaya oo ku qelinaya erayo ay kamid yihiin "Abiy ha dhaco", magaalada Dadar ee bariga Itoobiya dhacdo ayay dadka rabshadaha wada ku gubeen buug uu dhowaan qoray R/wasaaraha Itoobiya.

Qowmiyadda Oromada ee uu kasoo jeedo Abiy Axmed ayaa dowladda Itoobiya ku eedaynaysa in ay gacan bidixaysay islamarkaana aysan wax ka qaban arrimaha bulshada ee gobolka Oromia.

Tan iyo markii uu talada qabtay Abiy Axmed sanaddii 2018 ayay sii xoogeysteen dagaallada udhaxeeya qowmiyadaha kala duwan ee wadanka Itoobiya iyadoona dhowr jeer uu ka badbaaday isku day ladoonayay in lagu dilo.





Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items