Sawirro: 29 qof Kenyaan ah oo ku dhintay daadad ku dhuftay Wadanka Kenya.

Thursday October 24, 2019 - 16:41:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 29 qof Kenyaan ah oo ku dhintay daadad ku dhuftay Wadanka Kenya.

    Ugu yaraan 29 qof ayaa geeriyooday kuwa kalena waxaa soo gaaray waxyeello kala duwan kadib markii ay roobab xooggan oo wata daadad ay ku dhufteen qeyba kamid ah wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 29 qof ayaa geeriyooday kuwa kalena waxaa soo gaaray waxyeello kala duwan kadib markii ay roobab xooggan oo wata daadad ay ku dhufteen qeyba kamid ah wadanka Kenya.


Afhayenka xukumadda Kenya Cyrus Oguna ayaa xaqiijiyay dhimashada dadkan wuxuuna ku baaqay in dadka Kenyaanka ah ay ka digtoonaadaan daadad hor leh oo laga baqdin qabo in ay ku dhuftaan deegaano kale.

Inta badan dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay in ay maasheeyeen biyaha roobabka halka tiro dadkaas kamid ahna uu dhulka la go’a  iyadoo ay xusid mudan tahay in Roobabku ay soconayan muddo ku dhow 3 isbuuc oo xiriir ah.


Daadadka biyaha ayaa geystay waxyeello ballaaran marka lagasoo tago dhimashada waxa yna burburiyeen waddooyinka deegaanno dhowr ah halka ay sidoo kale go’doomiyeen Manaadiq badan oo dhaca gudaha dalka Kenya.

Deegaannada ay daadadku saameeyeen waxaa kamid ah, Wajeer, Mandheera, Gobolka Rift Valley iyo Mandiqado kale oo dhaca galbeedka iyo woqooyiga dalka Kenya.

Maamullada ka jira dhulka la gumeysto ee NFD ayaana shacabka ugu baaqay in ay u baxaan goobaha buuraha oo ay ka fogaadaan marinnada Biyaha iyo meelaha laga baqayo in daadadku ay saameeyaan.




Related Items