Qarax ay ku dhinteen ciidamo katirsan dowladda Burundi oo ka dhacay duleedka Mahadaay.

Thursday October 24, 2019 - 20:18:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax ay ku dhinteen ciidamo katirsan dowladda Burundi oo ka dhacay duleedka Mahadaay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay deegaan kaabiga ku haaya magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay deegaan kaabiga ku haaya magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe.



Wararka ka imaanaya deegaanada Buurane oo qiyaastii 3 KM dhanka galbeed kaga beegan degmada Mahadaay ayaa sheegaya in 2 askari ay ku dhinteen qarax Miino.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Burundi.

Mid kamida dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu haleelay xilli ciidamadu ku lugaynayeen meel u dhow saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Buurane.



Ma ahan markii ugu horraysay oo qaraxyo khasaara geystay ciidamada AMISOM lagula beegsado duleedka degmada Mahadaay, bishii lasoo dhaafay ayuu gobolka Sh/dhexe marti geliyay weeraro lagu dilay tobanaan askari oo katirsan dowladda Burundi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items