Arrin Mucjiso ah: Nin 14 sano ka hor ku shahiiday dagaalkii Iidaale oo Meydkiisa oo Carfaya lahelay.

Thursday October 24, 2019 - 21:24:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrin Mucjiso ah: Nin 14 sano ka hor ku shahiiday dagaalkii Iidaale oo Meydkiisa oo Carfaya lahelay.

    Taariikhda iyo qisooyinka waa kuwa isi soo celceliya oo soo laabanaya waana kuwa u baahan in lagu cibro qaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda iyo qisooyinka waa kuwa isi soo celceliya oo soo laabanaya waana kuwa u baahan in lagu cibro qaato.



Qaar kamid ah saxaabadii rasuulka Sallalaahu-calayhi-wasallam oo ku shahiiday Uxud ayaa waxaa dhacday in daadad burqaday ay kasoo fagaan qubuurtii ay ku aasnaayeen muddo 40 sano illaa 46 sano ah kadib, waxaana la arkay saxaabadii oo sidoodii ay islamarkaana ay xubnaha jirkoodu laabmayaan.

Qisada ka dhacday Iidaale waxay ahayd mid taas lamid ah kadib markii shalay daadad ka dhashay roobab halkaas ka da’ay ay soo saareen mid kamid ah raggii ku shahiiday dagaalkii sanaddii 2006-dii ciidamada  Xabashida Itoobiya lagula galay deegaankan oo katirsan gobolka Baay.



Ninkan ayaa la arkay isagoo sidiisii ah oo aysan waxba iska badalin oogada jirkiisa waxaa muuqanayay halkii ay xabbadu uga dhacday oo sideediisi ah, waliba waxay dadkii goob joogga ahaa warbaahinta u sheegeen in ay caraf kasoo baxaysay jirkiisa.

Aas labaad oo loo sameeyay ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad weyne aad u farabadan Sannadkii lasoo dhaafay Iidaale waxaa shaqo ku tagay C/fataax Filibiin oo katirsan idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan kaasoo indhihiisa kusoo arkay qalfoof ay biyuhu soo saareen oo Itoobiyaan ah, waxaana lagu gartay oo la socotay buraashadda ay ciidamada Xabashidu biyaha ku qaataan.

Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayaa gobolka Baay oo dadkiisu aad ugu badan yihiin halganka Jihaadiga ah ee ka socda dalka Soomaaliya.

Idaale waxaa sannadkii 2006 dii ka dhacay dagaal taariikhi ah oo dhex maray ciidamadii Midowgii Maxaakimta Islaamiga iyo kuwii Xabashida Itoobiya, dagaalkaas oo ahaa mid la isku hilboobay laakin dhanka kale lagu jabiyay kibirkii iyo hankii Xabashida ee xilligaas Soomaaliya kusoo duulay.

Iidaale waxaad ku arkeysaa markaad tagto raadadkii dagaalka sida gaadiidkii laga gubay ciidamada Xabashida.

Halkan ka degso Wareysiga ama Hoos ka dhageyso




Isha Wareysiga: Radio Alfurqaan

Related Items