Al Shabaab Oo Gaalkacyo ku dishay Taliye ku xigeenkii ciidanka ilaalada Waddooyinka maamulka Puntland.

Saturday October 26, 2019 - 09:52:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Gaalkacyo ku dishay Taliye ku xigeenkii ciidanka ilaalada Waddooyinka maamulka Puntland.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya Mudug ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay waqooyiga Gaalkacyo ku dileen mas'uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay dileen Max'med Faarax oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada waddooyinka maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Gaalkacyo "Mujaahidiinta ayaa waqooyiga Gaalkacyo ku khaarijiyay Max'med Faarax oo ahaa taliye ku xigeenka Taraafikada maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Bilihii lasoo dhaafay waxaa waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ka dhacayay dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka dhan ah maamullada Puntland iyo Galmudug.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items