Dowladda oo ciidamo dheeri ah geysay Dhuusamareeb iyo Xiisada colaadeed oo halkaas ka jira.

Saturday October 26, 2019 - 11:07:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo ciidamo dheeri ah geysay Dhuusamareeb iyo Xiisada colaadeed oo halkaas ka jira.

    Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay halkaas udirtay todobaatameeyo askari oo katirsan kuwa loo yaqaan Danab ee Mareykanku uu tababaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay halkaas udirtay todobaatameeyo askari oo katirsan kuwa loo yaqaan Danab ee Mareykanku uu tababaray.

Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay dareemayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iskasoo horjeeda, kooxaha Suufida ee Ahlusuna lamagac baxay ayaa sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay maleeshiyaad dheeri ah ku daad guraynayay magaalada.

Gaadiid dagaal oo labada dhinac ay wataan ayaa gaaf wareegaya waddooyinka degmada Dhuusamareeb, garoonka diyaaradaha magaalada iyo xerada 21-aad waxaa ku sugan ciidamo daacad u ah dowladda Federaalka halka inta badan xarumaha maamulka iyo koontaroollada magaalada laga maamulo ay ku suganyihiin maleeshiyaad katirsan Kooxda Suufida.


Saacad walba waxaa bilaaban kara iska hor'imaad udhaxeeya dhinacyada isku haya maamulka Dhuusamareeb, waxaa xusid mudan in magaalada ay iskula suganyihiin laba guddi oo iskhilaafsan mid walbana uu sheeganayo in uu diyaarinayo doorshada madaxweyne ee maamulka Galmudug.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items