Ciidamo Katirsan Dowladda oo ku dhintay Weeraro ka dhacay Jubbada Hoose iyo Sh/hoose.

Sunday October 27, 2019 - 10:43:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Dowladda oo ku dhintay Weeraro ka dhacay Jubbada Hoose iyo Sh/hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaanno dhacay Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaanno dhacay Koonfurta Soomaaliya.



Ciidamada Xarakada  Al-Shabaab ayaa fuliyay howlgallo khasaare lagu gaarsiiyay askarta dowladda Federaalka ee ku kala sugan deegaannada Ceel Saliini iyo Baar Sanguuni oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada hoose.

Qarax ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee Shabeellaha hoose ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka waxaana qaraxaas ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta hadda la xaqiijiyay waxaa dhintay 2 askari halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah waxaana qaraxa kadib rasaas jihooyin kala duwan u riday ciidamada dowladda.



Dhanka kale guutooyinka madaafiicda ee Xarakada  Al-Shabaab ayaa duqeyn ku garaacay saldhig ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Mareykanka daacad u ah ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee Jubbooyinka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qiic iyo Uuro Madoow ay cirka isku shareereen daqiiqado kadib markii weerarka madaafiicda ah lagu qaaday saldhigga ciidanka Jubbaland ee deegaanka Baar Sanguuni, isbuucii lasoo dhaafay weerar sidaan oo kale loogu qaaday saldhigga Baarka ayaa khasaara sababay.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items