Dibad baxyo looga cabanayo Xirnaashiyaha Waddooyinka oo maalintii 2aad Muqdisho ka dhacay.

Sunday October 27, 2019 - 13:12:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo looga cabanayo Xirnaashiyaha Waddooyinka oo maalintii 2aad Muqdisho ka dhacay.

    Dibad baxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda Federaalka ayaa maalintii labaad ka socda qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda Federaalka ayaa maalintii labaad ka socda qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Boqolaal kamid ah darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa iskusoo baxyo ka dhigaya isgoysyo ay kamid yihiin KM4,Zoobe iyo Tarabuunka waxayna ka cabanayaan waddooyinka dhagxaanta lagu gooyay.

Cabashada ugu daran waxaa dhigaya darawallada gaadiidka Moota Bajaajka oo ah gaadiid si aad ah ay u isticmaalaan shacabka magaalada Muqdisho, dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Banaadir in uu fuliyo ballanqaadkiisi ahaa in uu furayo waddooyinka dhagxaanta lagu gooyay.


Wadada isku xirta KM4 illaa Tarabuunka ayaa xiran waxaana ku go'an dhagxaan shamiinto ka sameysan sidoo kale qeybo kamid ah wadada Makka Al Mukarrama ayaa uxiran ilaalada Hoteellada iyo wasaaradaha dowladda.

Xirnaashiyaha waddooyinka halbowlaha u ah Muqdisho ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhaqaalaha caasimadda, maalin walba dad udukaamaysi tagi lahaa Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ayaa ka baaqsada sababa laxiriira gaadiidkii ay ku tagi lahaayeen oo dhib badan ka maraya waddooyinka.





Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items