Xukuumadda taakta daran ee Yemen ayaa ku dhawaaqday in laba kamid ah wasiiradeeda ay ka badbaadeen isku day dil oo lala damacsanaa iyadoo aan sheegin cidda mas'uulka ka aheyd isku daygaas.
Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in wasiirrada arrimaha gudaha iyo gaadiidka ay ka badbaadeen qarax lala damacsanaa in lagu beegsado xilli ay ku sugnaayeen guri kuyaal magaalada Cataq ee caasimadda u ah gobolka Shabwah.
"Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo isku dayaye in ay miino gacan ku sameys ah ku xiraan gurigii ay ku sugnaayeen wasiirada arrimaha gudaha iyo gaadiidka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Cabdi Rabihi Haadi Mansuur.
Axmed Al Meysari oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dilka ka badbaaday ayaa maalintii jimcaha sheegay in aysan wax gorgortan ah ka geli doonin maamulidda magaalada Caden isagoo tacliiqinayay heshiis ay Sacuudiga kula saxiixdeen maleeshiyaadka gooni u goosadka ah ee Imaaraatku tababaray.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Wasiirro katirsan Xukuumadda Yemen oo isku day dil ka badbaaday.
Xukuumadda taakta daran ee Yemen ayaa ku dhawaaqday in laba kamid ah wasiiradeeda ay ka badbaadeen isku day dil oo lala damacsanaa iyadoo aan sheegin cidda mas'uulka ka aheyd isku daygaas.