Gaari ay wateen ciidamada AMISOM oo Moota Bajaaj ku jiiray Muqdisho.

Monday October 28, 2019 - 12:18:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari ay wateen ciidamada AMISOM oo Moota Bajaaj ku jiiray Muqdisho.

    Ugu yaraan 2 qof shacab ah ayaa dhaawacmay kadib markii gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada MISOM uu jiiray moota Bajaaj gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 2 qof shacab ah ayaa dhaawacmay kadib markii gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada MISOM uu jiiray moota Bajaaj gudaha magaalada Muqdisho.

Maanta barqadii ayuu gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada AMISOM wuxuu Moota Bajaaj si bareer ah ugu jiiray isgoyska Zoobe ee Muqdisho, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaariga ciidamada AMISOM markii uu mootada iyo dadkii saarnaa  jiiray uu socodkiisa isakasii watay isagoo aan istaagin.

Dhinaca kale isgoysyada muhiimka ah ee magaalada caasimadda ah waxaa wali kasii socda dibad baxyada cabashada ah ee ay dhigayaan darawallada gaadiidleyda.

Boqolaal kamid ah darrawallada oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ballan qaad ay ka heleen guddoomiyaha gobolka Banaadir balse wali ay taaganyihiin caqabadihii shaqooyinkooda ku hor gudbanaay oo ay kamid yihiin waddooyinka oo xiran iyo lacago canshuuro dheeri ah oo laduldhigay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items