Sarkaal katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhintay qarax ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha.

Monday October 28, 2019 - 15:21:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhintay qarax ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay waddo ammaankeeda si aad ah loo ilaaliya oo kutaal bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay waddo ammaankeeda si aad ah loo ilaaliya oo kutaal bartamaha magaalada Muqdisho.


Qaraxa oo saaka ka dhacay isgoyska Shaqaalaha degmada Hodon ayaa lala beegsaday gaari uu lahaa mid kamida saraakiisha maamulka gobolka Banaadir.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in  ay ku dishay sarkaal katirsanaa howlwadeennada maamulka gobolka Banaadir sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda Federaalka ayaa si joogta ah uga dhaca inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.


Dhinaca kale weerar dhabbagal ah ayaa ciidamada dowladda Federaalka lagula beegsaday wadada xiriirisa deegaanka No.50 iyo degmada Afgooye ee Sh/hoose, ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lala helay gaari GB ah oo ay ciidamo la socdeen balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items