Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidamo American ah ay uga suganyihiin Waqooyiga Baqdaad.

Tuesday October 29, 2019 - 11:23:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidamo American ah ay uga suganyihiin Waqooyiga Baqdaad.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in dibad baxyada rabshadaha wata ay wali kasii socdaan magaalooyinka ee wadankaasi waxaana jira khasaara lixaad leh oo ka dhashay dibad baxyadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in dibad baxyada rabshadaha wata ay wali kasii socdaan magaalooyinka ee wadankaasi waxaana jira khasaara lixaad leh oo ka dhashay dibad baxyadaasi.


Ugu yaraan 79 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iskusoo baxyada rabshadaha wata lagasoo bilaabo maalintii jimcaha ee lasoo dhaafay, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in kumanaan kun oo dhaawacyo qaba ay jiifaan isbitaallada.

waxaa guul darraystay bandow ay xukuumadda Shiicadu ku badantahay ay uga dhawaaqday magaalada Baqdaad, dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Mareykanku ka deganyihiin wadanka Ciraaq.


Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa sheegay in weerar loo adeegsaday hoobiyaal lagu qaaday saldhigga ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin deegaanka Taaji ee waqooyiga magaalada Baqdaad.

Warbaahinta Ciraaq waxay sheegtay in sedax madfac oo aan qarxin ay ku dhaceen gudaha saldhigga oo ay ku suganyihiin ciidamo American ah, kooxo shiico ah oo wakiillo u ah dowladda Iiraan ayaa lagu eedaynayaa in ay mas'uul ka yihiin weerarkan.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayay weeraro madaafiic ah saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq kala kulmayeen maleeshiyaad latacaadufsan xukuumadda iiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items