Weeraro 7 Askari lagu dilay oo ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Tuesday October 29, 2019 - 20:10:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro 7 Askari lagu dilay oo ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose oo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose oo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Weerar dhabaggal ah oo maanta gelinkii dambe ka dhacay meel ku dhow degmada Afgooye ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu yaraan Afar askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka oo ay qaadeen ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari tiknika ah oo ay wateen ciidanka dowladda ay waxyeello soo gaartay.

Dhinaca kale deegaan u dhow Nambar50 oo isla sh/Hoose katirsan waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo lala eegtay askar katirsan kuwa dowladda Federaalka.


Warar laga helay deegaanka waxay sheegayaan in gu yaraan 3 askari ay ku dhinteen qaraxa oo lala helay Mooto ay la socdeen ciidamada dowladda oo xilligii la qarxinayay kusii jeeday deegaanka Ceelsaliini.

Dhammaan weeraradan waxaa mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida ay baahisay Idaacadda Andalus, gobolka Sh/Hoose ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee uu ka socdo halganka ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items