Shacab is xilqaamay oo iska qaaday Dhagxaan ay ciidamada dowladdu ku gooyeen qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho.

Wednesday October 30, 2019 - 19:25:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacab is xilqaamay oo iska qaaday Dhagxaan ay ciidamada dowladdu ku gooyeen qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho.

    Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa markale dhagxaan ku gooyay qaar kamid ah waddooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa markale dhagxaan ku gooyay qaar kamid ah waddooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Xalay saqdii dhexe ayaa inta badan waddooyinka jidcadayaasha xaafadaha ku teedsan wadada Sodonka lasoo dhigay dhagxaan waaweyn oo ah kuwa caanka ah magaalada Muqdisho.

Saaka markii uu waagu baryay ayay dadka deegaanka oo isxilqaamay waxay bilaabeen in ay iska qaadaan dhagxaanta lagu jaray waddooyinka yaryar oo ah meesha kaliya ee hadda ay bulshadu ku dhaq dhaqaaqdo.

Waxgaradka iyo ganacsatada ayaa isku ballansaday in ay ka dhiidhin doonaan xirnaashiyaha waddooyinka xaafadaha iyagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay cunaqabateyn ku hayso ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqyada bulshada.


Wasaaradda ammaanka DF-ka ayaa horay dhagxaan ugu xirtay dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda ah iyadoo ku marmarsiyoonaysa in ay ku sugayso amniga xarumaha dowladda oo badanaa weeraro kala kulma Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items