Dagaal Askar badan lagu dilay oo ka dhacay waqooyiga magaalada Kismaayo.

Wednesday October 30, 2019 - 20:40:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Askar badan lagu dilay oo ka dhacay waqooyiga magaalada Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo markale dib uga qarxay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo markale dib uga qarxay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Sh/Hoose.


Iska hor'imaadyo xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan ayaa ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

Dagaalka oo muddo saacada ah socday ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo huwan ah kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ka sameeyay duleedka Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 askari oo katirsanaa maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan lagu dilay dagaalka halka 9 kale ay dhaawacyo soo gaareen.


Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannadda Al Shabaab ay dagaalkii maanta ku waxyeelleeyeen illaa 2 baabuur oo Tiknika ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada la weeraray oo jiidanaya laba gaari ay gabaldhicii maanta dib ugu laabteen dhanka magaalada Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items