Jamaaco Jihaadi ah oo Weerar khasaara geystay ka fulisay wadanka Ciraaq iyo Askari American ah oo ladilay.

Thursday October 31, 2019 - 10:32:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaaco Jihaadi ah oo Weerar khasaara geystay ka fulisay wadanka Ciraaq iyo Askari American ah oo ladilay.

    jamaacada Jihaadiga Ansaarul Islaam ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso maleeshiyaadka shiicada Rawaafidda ah ee xoogga kula wareegay dhulalka muslimiinta Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

jamaacada Jihaadiga Ansaarul Islaam ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso maleeshiyaadka shiicada Rawaafidda ah ee xoogga kula wareegay dhulalka muslimiinta Ciraaq.


War rasmi ah oo kasoo jamaacada Ansaaru Islaam ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay dileen labo kamid ah maleeshiyaadka Xashdiga loo yaqaan ee sanaddii 2014 lagu aas aasay Fatwadii kasoo baxday Maraajicda Shiicada.

Bayaanka kasoo baxay Ansaaru Islaam ayaa lagu yiri "Libaaxyada Jamaacada Ansaarul Islaam ayaa deegaanka Jalowlaa ee gobolka Diyaala ku dilay 2 kamid ah murtadiinta Xashdiga Shiicada ah".

Jamaacadan jihaadiga ah waxay xaqiijisay in dadka weerarka lagu dilay uu kamid yahay sarkaal dagaal ooge ah oo falal dambiyeedyo dhowr ah ugeysan jiray shacabka muslimiinta gobolka Diyaala.


Video kooban oo Jamaacadu ay ku faafisay baraha Internetka ayaa muujinayay khasaaraha maleeshiyaadka shiicada kasoo gaaray weerarka ka dhacay gobolka Diyaala ee dalka Ciraaq.

Ansaaru Islaam ayaa kamid ah jamaacaadka ugu faca weyn jihaadiyiinta caalamka waxayna kaalin weyn ku laheyd dagaalkii ciidamada Mareykanka looga saaray wadanka Ciraaq intii u dhaxaysay sanadihii 2003 illaa 2011, sidoo kale Ansaaru Islaam ayaa ku xooggan gobollada Idlib iyo Laadiqiyah ee wadanka Suuriya.

Dhinaca kale Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in mid kamida askarteeda ku sugan wadanka Ciraaq uu udhintay xilli uu ku sugnaa saldhig melleteri oo ku dhow magaalada Baqdaad.

Mareykanku ma sheegin sababta uu askarigan u dhintay balse waxay sheegeen in uu dhintay isagoo aan dagaal ku jirin, weerar hoobiyaal ah oo maalintii Talaadada ay maleeshiyaad shiico ah ku qaadeen saldhigga Taaji ee duleedka magaalada Baqdaad ayaa la rumeysanyahay in uu sababay dhimashada askarigan.


Related Items