Sawirro:Ku Dhawaad 50 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Khasaara Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Laamu Dalka Kenya.

Monday June 16, 2014 - 06:10:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 22608
  • (Rating 2.4/5 Stars) Total Votes: 5
  • 6 4
  • Share via Social Media

    Sawirro:Ku Dhawaad 50 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Khasaara Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Laamu Dalka Kenya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalo dhacda Xeebta wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhiig ku daatay Jaziiradda Lamu ee loo dalxiis tago
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalo dhacda Xeebta wadankaasi.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay xalay fiidkii weerareen magaalada Laamu ee loo tamashla tago sida ay baahisay warbaahinta Kenya wuxuu weerarkaasi gallaaftay nolosha tobaneeyo qof oo askar boolis ah kujiraan.

Sarkaal u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in xoogag aad uhubeysan ay xoog ku jiireen deegaanka Mpeketoni oo Laamuu katirsan waxayna toogasho ku bilaabeen dad ka cunteynayay maqaaxi xeebta ku teedsan.


Qof si dirqi ah ugasoo badbaaday weerarka ayaa yiri "Rag hubeysan oo Allaahu Akbar ku qeylinayay ayaa goobta soo galay toogasho ayay bilaabeen ugu yaraan 6 qof Meyd ah ayaan arkay anna waan soo badbaaday”.

Dowladda Kenya waxay xaqiijisay in khasaaraha dhimashada uu gaarayo 48 qof,xoogaga weerarka qaaray ayaa muddo saacada ah heystay dhismayaal muhiim ah oo Lamu katirsan waxaana kamid ah goobaha ay gubeen 2 Hoteel kaalin shidaal iyo Banki xukuumaddu leedahay oo gudaha Jaziiradda kuyaal.

Goob joogayaal ah ayaa sheegay in xoogaga weerarka geystay oo aad uhubeysnaa ay saaka aroortii si nabad gelyo ah ugasoo baxeen goobta,sawirro warbaahinta lagu faafiyay ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray gaadiid iyo dhismayaal waaweyn.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay soo qaateen laba gaari oo yiillay xeebta Laamuu islamarkaana ay saanado hub ah kasoo qaateen saldhig boolis.

Ma ahan weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado Laamuu bishii May ee sanadkan ayaa weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay lagu qaaday saldhig booliska oo Xeebta kuyaal.

http://im68.gulfup.com/yFzEoq.jpg
http://wata.cc/up/2014/06/images/w-537ea6bbbc.jpg
http://wata.cc/up/2014/06/images/w-0e650fa9e9.jpg
http://wata.cc/up/2014/06/images/w-936a50f81e.jpg
http://wata.cc/up/2014/06/images/w-24ca0549e3.jpg
http://wata.cc/up/2014/06/images/w-55be4968cc.jpg
http://wata.cc/up/2014/06/images/w-93c3a2c901.jpg
http://wata.cc/up/2014/06/images/w-f498927929.jpg
http://wata.cc/up/2014/06/images/w-156a83594e.jpg

Related Items