Shariif Sheekh iyo Xasan Garguurte oo Weerar Afka ah Ku qaaday Madaxada dowladda.

Thursday October 31, 2019 - 12:11:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Sheekh iyo Xasan Garguurte oo Weerar Afka ah Ku qaaday Madaxada dowladda.

    Siyaasiyiin horay xilal ugasoo qabtay dowladda Federaalka ayaa eedaym kulul ujeediyay xukuumadda ay madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin horay xilal ugasoo qabtay dowladda Federaalka ayaa eedaym kulul ujeediyay xukuumadda ay madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre.



Shir jaraa'id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen ayay Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ku sheegeen in dowladda Federaalka ay gacan bidixayn ku hayso hanaanka doorashooyinka soo socda.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa lagu eedeeyay in ay caburinayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah islamarkaana ay doonayaan in ay waqtiga kororsadaan.

"Ma aqbali-karno inta koox xoogga waddaniyiinta ah la aruuriyaa la yiraahdo doorashaan galaynaa anaguna aan camirno,dowladdu inadhaheeda ha furto,Shalay MD-Xasan Sheekh School Polizio in doorasho lagu qabto anagaa ka diidnay maxaa yeelay taliyaha booliska ayaa taageersanaa wuuna naga yeelay,dowladdu ma qaban wixii doorasho laga rabayā€¯ayuu yiri Shariif.



Xasan Gurguurte oo isna shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in hoggaanka Villa Somalia uu jebinayo wax uu ugu yeeray sharciga oo uu ula jeedo dastuurka ay shisheeyuhu udajiyeen dowladda.

Wuxuu sheegay in dowladda hadda jirta ay xuriyadda ka qaadayso dhammaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda isagoo ugu baaqay in ay ka waantoowdo dib usoo celinta nidaamkii kaligii taliska ahaa.

"dowladdu malaayiin dollar ayay Tallooyin ku dhistay shacabka Beled weyne wax ay uqabatayna malahan" ayuu yiri xasan Gurguurte oo dhaliilayay waxqabad la'aanta dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items