Hormuud oo lacag Boqolaal kun oo Dollar ah ugu deeqday Dadka ku saamoobay Fatahaadaha iyo Daadadka.

Thursday October 31, 2019 - 12:23:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Hormuud oo lacag Boqolaal kun oo Dollar ah ugu deeqday Dadka ku saamoobay Fatahaadaha iyo Daadadka.

    Waxaa sii kordhahaya khasaaraha nafeed iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay fatahaadda uu wabiga Shabeelle ka sameeyay gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhahaya khasaaraha nafeed iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay fatahaadda uu wabiga Shabeelle ka sameeyay gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Dad ku sugan magaalada Beled Weyne ayaa sheegay in ku dhowaad 14 qof shacab ah ay ku dhinteen fatahaadda wabiga islamarkaana lala'yahay dad ubadan carruur kuwaas oo loo badinayo in ay biyaha wabigu qaadeen.

iyadoo sidaas ay tahay ayay ganacsatada Muqdisho aruuriyeen lacag gaaraysa hal milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiyada iyo daadadka roobabka.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa lacag dhan 200- kun oo dollar ugu deeqday dadka ay fatahaadaha iyo roobabku saameeyeen ee ku dhaqan gobollada Hiiraan,Gedo iyo Baay.


Warsaxaafadeed kasoo baxay Hormuud ayaa lagu sheegay in lacagtan xoogeeda wax loogu qaban doono dadka ku dhiban fatahaadda Wabiga Shabelle ee magaalada Beled Weyne balse ay gargaarka ay wax ka helin doonaan dadka ku dhibaatoobay roobabka ka da'ay Gedo iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items