Qarax gaadiid looga gubay Ciidamada AMISOM oo Warmaxan ka dhacay iyo askar lagu dilay Qoryooleey.

Saturday November 02, 2019 - 10:36:37 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaadiid looga gubay Ciidamada AMISOM oo Warmaxan ka dhacay iyo askar lagu dilay Qoryooleey.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM lagula beegsaday deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM lagula beegsaday deegaanno katirsan Sh/Hoose.



Qarax ciidamada dowladda lagula beegsaday saldhigga Booliska degmada Qoryooleey ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 6 askari sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Dhinaca kale qarax aad u xooggan ayaa kolonyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee Sh/hoose.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka Warmaxan ayaa sheegay in Labo qarax oo aad u xoogan lagula beegsaday Kolanyo katirsan Ciidamada AMISOM Iyadoo qaraxyadan khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay Kolanyada Shisheeyaha.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa ciidamada AMISOM looga gubay Labo gaari oo kala ah Xamuul iyo Booyad iyadoo dhawaaqa qaraxyadan si aad ah looga maqlay deegaano badan oo katirsan  Shabeellada Hoose.

Sidoo kale qaraxyadan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray tiro askar ah oo katirsan AMISOM, sidoo kale weeraro toos ah ciidamada shisheeyaha AMISOM shalay lagula beegsaday deegaannada Mashallaay iyo Danoow oo dhammaantood hoos yimaad degmada Qoryooleey.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items