Ciidamo ku dagaallamay deegaanka Ceel Cadde iyo Suufida oo lagala qabsaday Matabaan.

Saturday November 02, 2019 - 15:59:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ku dagaallamay deegaanka Ceel Cadde iyo Suufida oo lagala qabsaday Matabaan.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanno dhaca Bari uga beegan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanno dhaca Bari uga beegan magaalada Muqdisho.


Iska hor'imaadyo xooggan ayaa laba maleeshiyo oo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray deegaanka Ceel Cadde, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ay  dhinteen.

Guddoomiyihii hore ee degmada Balcad iyo maleeshiyaad daacad u ah ayaa weeraray isbaaro ay ciidamo katirsan dowladda ka sameysteen deegaanka Ceel Cadde taas oo keentay in labada dhinac ay dagaal gorodda isla galaan.

Dhinaca kale iska hor'imaad kooban ayaa degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ku dhaxmaray maleeshiyaadka Kooxda Suufida iyo ciidamo daacad u ah wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerar dhabbagal ah ay lakulmeen kolonyo gaadiid ah oo wasiirka arrimaha gelbinayay kadibna dagaalka ayaa ku faafay inta badan xaafadaha degmada Matabaan waxaana markii dambe gacan ku heynta degmada la wareegay ciidamada dowladda.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka kooxaha Suufida oo ku saabsan qaabka maleeshiyaadkooda looga qabsaday degmada Matabaan,

Related Items