Maleeshiyaadka Suufida oo Faarujiyay Xarumihii ay ku lahaayeen Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sunday November 03, 2019 - 11:16:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Suufida oo Faarujiyay Xarumihii ay ku lahaayeen Guriceel iyo Dhuusamareeb.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo maleeshiyaadka Kooxaha Suufida iyo ciidamada dowladda Federaalka ku dhaxmaray deegaanno katirsan Galguduud iyo Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo maleeshiyaadka Kooxaha Suufida iyo ciidamada dowladda Federaalka ku dhaxmaray deegaanno katirsan Galguduud iyo Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in iska hor'imaad kooban oo xalay ka dhacay degmada Guriceel kadib ayey ciidamada dowladda usuurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta degmada.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in maleeshiyaadkii Kooxaha Suufida ay isaga bexeen Guriceel, sidoo kale inta badan xaafadaha magaalada Dhuusamareeb waxaa maamulaya ciidamada Dowladda Federaalka.

Shalay ayay aheyd markii ay maleeshiyaadka Suufida isaga baxeen degmada Matabaan ee dhacda halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Galguduud waxaana la wareegay ciidamo daacad u ah wasiirka arrimaha gudaha DF-ka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items