Dowladda Federaalka oo ka hadashay la wareegistii degmooyin katirsan Galguduud.

Sunday November 03, 2019 - 13:02:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo ka hadashay la wareegistii degmooyin katirsan Galguduud.

    Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa war kasoo saartay xiisadaha colaadeed ee dib ugasoo cusboonaaday degmooyin katirsan gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ayaa war kasoo saartay xiisadaha colaadeed ee dib ugasoo cusboonaaday degmooyin katirsan gobolka Galguduud.


Cabdi Max'med Sabriye oo ah wasiirka arrimaha gudaha ayaa degmada Guriceel ka sheegay in kooxaha Suufida ee Ahlusunna isku magacaabay ay ka bexeen heshiiskii ay lagaleen dowladda Federaalka.

Wuxuu sheegay in sababta ciidamadoodu ula wareegeen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ay tahay fulinta heshiiskii ay horay ula galeen Suufida, wuxuu ku eedeeyay hoggaamiyaashii Kooxda Suufida dib ugurasho.

"Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa in ay sida saxda ah u shaqeeyaan" ayuu yiri Wasiir Sabriye.


Warkan kasoo yeeray DF-ka ayaa imaanaya xilli maleeshiyaadka Suufida 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay lagala wareegay gacan ku heynta degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb halkaas oo ay ka dhaceen iska hor'imaadyo kooban.

Related Items