Xuuthiyiinta oo sheegay in Afar kun askar Suudaaniyiin ah ay ku dileen dalka Yemen.

Sunday November 03, 2019 - 20:24:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuuthiyiinta oo sheegay in Afar kun askar Suudaaniyiin ah ay ku dileen dalka Yemen.

    Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay kumanaan katirsan Melleteriga Suudaan ku dileen weeraro ka dhacay xuduud beenaadka Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay kumanaan katirsan Melleteriga Suudaan ku dileen weeraro ka dhacay xuduud beenaadka Sacuudiga.


Yaxye Alsariic oo ah afhayeenka melleteriga Xuuthiyiinta ayaa warbaahinta u sheegay in afar sano gudahood dagaallo ka dhacay wadanka Yemen ay ku dileen 4253 Askari Suudaaniyiin ah kuwaas oo uu sheegay in ay calooshood ushaqeysatayaal u ahaayeen Sacuudiga iyo Imaaraatka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay dagaallo ka dhacay xuduudda udhaxaysa Sacuudiga iyo Yemen lagu dilay boqolaal Askari Suudaaneys ah balse waxaa arrintaas beeniyay xukuumadda Suudaan.


Jeneraal Caamir Al Xasan oo ah Afhayeenka ciidanka Qalabka Sida ee Suudaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay Xuuthiyiinta wuxuuna sheegay in ciidamo intaas la eg aan melleteriga Suudaan looga dilin dalka Yemen.

"Arrinta ku aaddan tirada ciidanka Suudaan looga dilay dalka Yemen waa been waxayna qeyb ka tahay dagaalka nafsaaniga ah ee kooxdaan ay ku jirto" ayuu yiri Afhayeenka u hadlay dowladda Suudaan.

In kabadan 15,000 askar Suudaaniyiin ah ayaa la sheegay in ay ka barbar dagaallamaan ciidamada Isbahaysiga Carabta ee dalka Yemen ku duulay sanaddii 2015.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items