Dowladda Kenya oo Mareykanka uga cabatay Weerarada Al Shabaab.

Sunday November 03, 2019 - 20:33:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo Mareykanka uga cabatay Weerarada Al Shabaab.

    Laammaha ammaanka dowladda Kenya ayaa ka walaacsan weerarada isdaba joogga ah ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fulinayso gudaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laammaha ammaanka dowladda Kenya ayaa ka walaacsan weerarada isdaba joogga ah ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fulinayso gudaha wadankaasi.


Mas'uul katirsan dowladda Kenya ayaa Mareykanka uga cawday weerarada aadka u xooggan ee Xarakada Al Shabaab ay ku naafaynayso ciidamada melleteri iyo kuwa booliska Kenya.

Warka kasoo yeeray dowlada  Kenya ayaa yimid kadib markii dalkaasi uu booqasho ku tagay dhawaan Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka General "Rijadh Kalaarke” .

Sarkaalkan ka socday dowlada Mareykanka ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi ma’suuliyiin ka tirsan dowlada Kenya oo uu ka mid ahaa wasiirka gaashaadhiga dalka Kenya, iyagoona kawada hadlay walaaca ay Kenya ka qabto weeraro kale oo kaga yimaada Jihaadiyiinta Al Shabaab ee ka halgama Bariga Africa .


Wasiirka Difaacda dalka Kenya ayaa sheegay in Al Shabaab ay hadda sii xoijiyeen weerarada ay ka fuliyaan deegaanada dhaca xadbeenaadka kala qeybiya Kenya yo Soomaaliya taas oo oo uu sheegay in halis xoogan ay ka soo gaarto ciidankooda .

Wuxuu intaasi ku daray in deegaanada N.F.D ee ku hoos jira gumeysiga Kenya ay kusii bateen weerarada ka imaanaya Al Shabaab ee lala beegsanayo Ciidamada dalka Kenya ee isku jira Militry-ga iyo kuwa Police-ka .

Taliyaha Ciidamada Mareykan ee qaabilsan howlgallada gaar ah ayaa qiray in ay sii korodhay khatarta ku aadan weeraro xoogan oo markale gudaha dalka Kenya ay ka fuliyaan  Al Shabaab .

Sarkaalkaani Mareykanka ah ayaa kulankii uu la qaatay wasiirka Difaaca ee Kenya ayuu ku sheegay in ay isbarbar taagayaan dowladda Kenya oo dagaal ba'an kula jirta Al Shabaab.

Tan iyo markii ay ciidamada Melleteriga Kenya duullaanka gadarrada ah kusoo qaadeen dalka Soomaaliya dhammaadkii sanaddii 2011 ayay sare usii kacayeen weerarada ay Shabaabul Mujaahidiin ka geysanayo gudaha wadankaasi, weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu beegsado gudaha Kenya ayaa ka kala dhacay gobollada Nairobi,Lamu iyo Gaarisa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items