Al Shabaab oo Weerar askar lagu dilay ka fulisay gobolka Hiiraan.

Monday November 04, 2019 - 12:20:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar askar lagu dilay ka fulisay gobolka Hiiraan.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa weerar habeen dheelmad ah ku qaaday saldhig ay maleeshiyaadka maamulka Hirshabelle ku leeyihiin gudaha degmada Buula Burde.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkii xalay lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidamada Hirshabelle.


Xoogaga Al Shabaab oo aad u hubaysan ayaa xalay gaaf wareegayay degmada Buula Burde waxaana saaka xaafadaha magaalada isku fidiyay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items