Internetka oo laga jaray dhammaan magaalooyinka dalka Ciraaq iyo Kacdoono dib u bilaawday.

Tuesday November 05, 2019 - 11:41:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Internetka oo laga jaray dhammaan magaalooyinka dalka Ciraaq iyo Kacdoono dib u bilaawday.

    Wadanka Ciraaq waxaa sii xogeystay rabshadaha ka socda inta babadan gobollada wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Ciraaq waxaa sii xogeystay rabshadaha ka socda inta babadan gobollada wadankaas.



Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Baqdaad ayaa sheegaya in kumanaan kun oo qof ay isugu baxeen fagaarayaasha waaweyn waxayna ku qeylinayaa erayo ka dhan ah xukuumadda.

Dibad baxyadan ayaa yimid saacado kadib markii dowladda Shiicadu ku badantahay ee Baqdaad ka jirta ay ku dhawaaqday in ay jartay dhammaan adeegga Internetka wadanka laga isticmaalo.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa gaaray afaafka hore ee xarunta R/wasaaraha Ciraaq kadib markii ay si lama filaan ah ku jiireen buundada weyn ee magaalada kala barta balse markii dambe waxaa kala eryay ciidamada ammaanka.



Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in dad ka badan 100 qof ay dhimasho iyo dhaawa ku noqdeen dibad baxyada rabshadaha wata ee maanta dib ugu bilaawday magaalada Baqdaad.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa codsanaya in ay iscasisho xukuumadda hadda jirta iyo golaheeda baarlamaanka kuwaas oo lagu eedeeyay in ay musuq maasuq iyo xatooyin ku dhaqaaqeen.

Magaalooyinka Internetku ka maqanyahay waxaa kamid ah Baqdaad,Karbalaa, Najaf iyo Al Basra oo ah kuwa ugu dadka badan dalka Ciraaq, waxaa xusid mudan in dibad baxyada ay dhigayaan inta badan dadka shiicada ee Koonfurta kasoo jeeda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items