Roobab Mahiigaan ah oo hakad geliyay shaqadii garoonka diyaaradaha Beled Weyne.

Tuesday November 05, 2019 - 11:44:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Mahiigaan ah oo hakad geliyay shaqadii garoonka diyaaradaha Beled Weyne.

    Waxaa laga dayrinayaa xaaladda ay ku suganyihiin Boqolaal kun oo qoys kuwaas oo isaga barakacay fataahadaha magaalada Beled Weyne iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda ay ku suganyihiin Boqolaal kun oo qoys kuwaas oo isaga barakacay fataahadaha magaalada Beled Weyne iyo hareeraheeda.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah oo saacado badan socday ay ka da'een magaalada Beled Weyne arrinkaas oo sii adkeeyay xaaladdii go'doonka aheyd ee magaalada saarneed.

Roobabka oo ahaa kuwa mahiigaan ah ayaa la sheegay in ay sare usii qaadeen fatahaaddii uu sameynayay wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beled Weyne.

Garoonka diyaaradaha Macmalka magaalada ayaa la sheegay in uu xirmay kadib markii ay biyo fadhiisteen halka loo yaqaan Run wayga ee diyaaraduhu caga dhigtaan.


Dhammaan waddooyinka soo gala magaalada Beled Weyne ayaa ah kuwa xiran, dadkii isaga barakacay xaafadaha magaalada ayaa duruufo adag ku wajahaya duleedka magaalada.

Sanad walba ayuu wabiga Shabelle sidaan oo kale ugu fatahaa magaalada Beled Weyne balse fatahaaddan ayaa ah middii ugu khasaaraha badneed muddo 20 sanadood gudahood ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items