Warbixin: 20 Askari Oo Mareykan ah Ayaa Maalin Kasta isdila.

Tuesday November 05, 2019 - 11:46:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: 20 Askari Oo Mareykan ah Ayaa Maalin Kasta isdila.

    Wargeys kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegaya in lixdii sano ee ugu dambeysay ay aad u kordheen tirada ciidamada Maraykanka ee nafta is dhaafinaya, iyagoo adeegsanaya qaabab kala duwan oo nafta la isaga qaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeys kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegaya in lixdii sano ee ugu dambeysay ay aad u kordheen tirada ciidamada Maraykanka ee nafta is dhaafinaya, iyagoo adeegsanaya qaabab kala duwan oo nafta la isaga qaado.



Xubin katirsan Tifaftiraha wargeyska Newyork Times oo soo xiganeysa masuuliyiin katirsan wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka ayaa sheegtay in tirada guud ee ciidamada Maraykanka islamarkaana is dilay ay gaarayaan 45 kun oo askari lixdii sano ee lasoo dhafay.

Tani waxay ka dhigantahay in maalin weliba ay is dilaan ugu yaraan 20 askari oo Maraykan ah, kuwaas oo katirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada Maraykanka.

Sida uu wargeysku sheegayo tirada ciidamada Maraykanka ee is dilay waxay ka badanyihiin isku dar ciidamada Maraykanka ee ku dhintay dagaallada ka socda wadamada Afqaanistaan iyo Ciraaq.



Askarta ugu badan ee is dilaya waxay da’doodu ka hooseysaa 30-ka sano, waxaana jira ciidamo kamid ah rug cadaayaashii kasoo qeybgalay dagaalladii hore, kuwaas oo iyaga qudhooda is dilay.

Lajnad qaabilsan ka war heynta ciidamada Maraykanka ayaa sheegeysa in tirada ciidamada Maraykanka ee is dilaya ay aad u korortay 80%, waxaana gebi ahaanba fashilmey olole lagu wacyi gelinayay askarta, kuwaas oo aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Arinta ay la yaabanyihiin saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa ah in askarta is dileysa aaney xanuunsaneyn, oo keliya mar qura ah laga war helayo askari si caadi ah howlihiisa u watay oo is dilay.

Inta badan ciidamada waxay ka daaleen dagaallada aan dhamaadka lahayn ee ay kaga jiraan wadamada Muslimiinta gaar ahaan Afqaanistaan, waxaana askariga marka ay ku adkaato xaaladdda dagaallada uu go’aansanayaa inuu nolosha is dhaafiyo.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items