Human Rights Watch oo Warbixin kasoo saartay dhibaatada Ciidanka Kenya ay ku hayaan Soomaalida NFD

Wednesday November 06, 2019 - 10:51:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Human Rights Watch oo Warbixin kasoo saartay dhibaatada Ciidanka Kenya ay ku hayaan Soomaalida NFD

    Dowladda gummeysiga Kenya ayaa sare uqaadday dhibaatada ay ku hayso shacabka Soomaalida ee ku dhulka NFD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda gummeysiga Kenya ayaa sare uqaadday dhibaatada ay ku hayso shacabka Soomaalida ee ku dhulka NFD.


Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay warbixin dheer oo ay soo diyaarisay hay'adda  Human Rights Wtach  taas oo sheegata in ay u dooddo  Xuquuqda Aadanaha waxayna  warbixintani diiradda ku saartay Xasuuqa ba'an ee ay dowladda Kenya ku heyso dadka soomaaliyeed ee ku nool Soohdin beenaadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya iyo sidoo kale dhulka la isku yiraahdo N.F.D ee Kenya gumeysato


Warbixintan oo ahayd mid aad uu dheer ayay HRW  kaga hadashay dhibaatada joogtada ah ee loo geysto dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Mandheera oo ka mida dhulalka Soomaalidu leedahay ee ay Kenya xoogga ku heysto.

 Human Rights Wtach  waxay warbixintan ku sheegtay in ay diiwaan galisay 88 kiis oo ay Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa Milatariga ee loo yaqaan KDF-ta ay kula kaceen shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ku sugan.

Hay'addan   ayaa si gaara warbixintan kaga diyaarisay deegaan lagu magacaabo Kutulu oo ka mida deegaanada hoos taga magaalada Mandheera ee ay dowladda  Kenya xoogga nooga heysato.

Warbixintan uu daabacay Wargeyska Washington Post ayaa lagu xusay in dadka Soomaalida ee ku nool tuulada Kutulu ay had Iyo goorba Cabsi ka qabaan Ciidamada Kenya.

"Waan cararnaa oo waliba dhuumanaa mar kasta oo aan helno khabar sheegaya in ciidamadu soo socdaan” waxaa sidaasi yiri Ciise Axmed oo ka mida dadka ku nool tuulada Kutulu.


Ciise waxa uu intaas ku daray in cabsida ay ka qabaan ciidmaada Kenya darteed ay ku dhuuntaan godad dhulka hoostii u qodan.

Hay'addan Human Rights ayaa sidoo kale sheegtay in ay la kulmeen dad ka badbaaday gacanta  ciidanka melleteriga Kenya kuwaasi oo ka gaabsaday in ay bixiyaan sharraxaad ku aaddan tacdiibinta ay kala soo kulmeen intii ay ku jireen gacanta Kenya

Maxamed Cilmi oo isaguna ka mida dadka ku dhaqan deegaanka Kutulu wuxuu yiri "Kenyaatigu waxay doonaan ayay sameeyaan mana jirto cid la hadashaa amaba naga celisa”

 Alle ha u naxariistee C/qaadir Cilmi wuxuu ahaa Macalin dugsi qur'aan ka dhigi jiray tuulada Kutulu kadib markii ay Ciidamada milatariga Kenya kala baxeen gugsigiisa waxayna meydkiisa soo dhigeen meel ka yara baxsan deegaanka Kutulu taas oo ay aad uga naxeen dadka ku dhaqan deegaanka Kutulu.

Maxamed Cilmi oo adeer u ahaa C/qaadir Cilmi ayaa hay'add HRW wuxuu u sheegay in ay cabsi iyo dareen ku seexdaan habeen kasta ayna marwalba fishaan weerar gummaad ah oo uga yimaada ciidamada Kenya ee gummeysiga ku haysta dhulka NFD.

Cadaawaadda gaamurtay ee dowladda Kenya ayaa lagu xasuustaa xasuuqii ay u geysteen muslimiinta Wagala halkaasoo ay ku dileen in kabadan 5000 oo qof shacab muslimiin Soomaali ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items