Taliyaha AFRICOM oo booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Muqdisho.

Wednesday November 06, 2019 - 12:20:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha AFRICOM oo booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Muqdisho.

    Taliyaha ugu sarreeya ciidamada dowladda Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa booqasho aan horay loosii qorshayn ku yimid magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ugu sarreeya ciidamada dowladda Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa booqasho aan horay loosii qorshayn ku yimid magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Jeneraal Stephen Townsend uu socdaal ku tagay Muqdisho uuna kulan laqaatay Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyaha ciidamada dowladda Federaalka.

Stephen Townsend ayaa sheegay in socdaalkiisu uu qeyb ka yahay dadaallada uu taliska AFRICOM ku xoojinayo dagaalka islaam ladirirka ah ee ka socda dalka Soomaaliya.

Waa booqashadii 2aad ee taliyaha Africom uu Muqdisho ku tago tan iyo markii uu xilkan la wareegay bartamihii sanadkaan, booqashada Stephen Townsend ee Muqdisho ayaa imaanaysa xilli bil ka hor Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidanka Mareykanka ee garoonka Balidoogle.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items