Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka Sh/hoose

Wednesday November 06, 2019 - 21:26:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka Sh/hoose

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo ciidamado katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay caawa maqribkii gudaha degmada Afgooye ee Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo ciidamado katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay caawa maqribkii gudaha degmada Afgooye ee Sh/Hoose.


Weerarka waxaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka Sh/hoose kaas oo lagu magacaabi jiray Cumar Maxamuud Cilmi oo ku magac dheeraa [Cumar Carrabeey].

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in caawa maqribkii ay jugta qarax xooggan iyo rasaas ay ka maqleen gudaha degmada Afgooye kadib markii weerar lagu qaaday goob uu ku sugnaa mas'uulka ladilay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka Sh/Hoose iyo labo askari oo ilaala u ahaa.


"Howlgal ay mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ayay ugu suurtagashay in ay ku dilaan ninkii murtadiinta ugu magacaawnaa guddoomiye ku xigeenka Sh/hoose iyo laba askari oo ilaala u ahaa kuwa kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Mas'uulkan caawa lagu dilay degmada Afgooye ayaa galaangal ku lahaa dullaanka ciidamada shisheeye ay ku qaadeen deegaanno katirsan wilaayada Sh/Hoose wuxuuna caan ku ahaa in ciidamada AMISOM uu ku hoggaamiyo dhulka lagu maamulo Shareecada Islaamka.



Related Items