Dagaal 5 qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

Thursday November 07, 2019 - 09:55:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal 5 qof ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

    Ugu yaraan shan qof oo ubadan ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland ayaa dhimatay 3 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib iska hor'imaad xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan shan qof oo ubadan ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland ayaa dhimatay 3 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib iska hor'imaad xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe.

Wararka ka imaanaya xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay bartamaha Garoowe ku dhaxmareen ciidamo kawada tirsan booliska oo ilaala ka hayay xarunta baarlamaanka.

Ilo wareedyo ayaa sheega in dadka dhintay 2 kamid ah ay ahaayeen ciidamadii weerarka qaaday oo daacad u ahaan taliyaha ciidamada Booliska halka 2 kale ay ahaayeen ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta baarlamaanka, qofka 5aad ayaa ahaa shacab marayay afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka.


Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo hadlay shaqaadada Garoowe ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay in uu ciidamo malayshiyaad ah goobta keenay islamarkaana ay ciidamada boolisku la dagaalameen sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ayaa xukuumadda ku eedeeyey in ay ka dambaysay weerar xalay lagu qaaday hoolka Baarlamaanka maamulka isku magacaabay Puntland ee Garoowe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah Saciid Deni ay la wareegeen goobtii lagu dagaallamay waxaana socda qorshe xilka looga xayuubinayo guddoomiyaha baarlamaanka oo uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland.



Related Items