Roobab Dadad wata oo burburiyay wadada laamiga ah ee Xiririisa Gobollada Nugaal iyo Bari.

Thursday November 07, 2019 - 10:32:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Dadad wata oo burburiyay wadada laamiga ah ee Xiririisa Gobollada Nugaal iyo Bari.

    Roohab Mahiigaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da'ayay gobollada dalka Soomaaliya ayaa hakad geliyay isku socodka dadweynaha in badan oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roohab Mahiigaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da'ayay gobollada dalka Soomaaliya ayaa hakad geliyay isku socodka dadweynaha in badan oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya waxay kamid yihiin meelaha ay ka da'een roobabka dayrta, wararka laga helayo wadada laamiga ah ee xiriirisa Boosaaso iyo Garoowe ayaa sheegaya in daadka roobabka ka dhashay ay wadada jareen.

Tobanaan kamid ah gaadiidka xamuulka qaada ayaa ku xayiran wadada laamiga ah oo waxyeello xooggan ay kasoo gaareen daadadkii ka dhashay roobabka dayrta.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay laamiga oo burbur xooggan uu ka muuqdo, sidoo kale roobabka ayaa hakad geliyay isku socodka gaadiidka inta badan degmooyinka gobollada Bay iyo Nugaal.


Meelaha qaar Roobabka mahiigaanka ah ayaa qaaday boqolaal neef oo isugu ari iyo geel, roobabka dayrta ee sanadkaan ka da'ay Soomaaliya ayaa wata daadad halka wabiyada Jubbo iyo Shabelle ay fatahaad sameeyeen.





Related Items