Guddoomiye Dhoobo Daareed oo Shaqada laga Eryay iyo Khilaaf ka dhax taagan madaxda maamulka 'Puntland'.

Thursday November 07, 2019 - 10:53:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Dhoobo Daareed oo Shaqada laga Eryay iyo Khilaaf ka dhax taagan madaxda maamulka 'Puntland'.

    Kadib kulan degdeg ah oo magaalada Garoowe ay ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka maamulka 'Puntland' garabka taageersan Saciid Deni ayay shaqada uga eryeen guddoomiyihii baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan degdeg ah oo magaalada Garoowe ay ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka maamulka 'Puntland' garabka taageersan Saciid Deni ayay shaqada uga eryeen guddoomiyihii baarlamaanka.


Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in kulanka oo ay soo xaadireen 53 xildhibaan shaqada looga Eryay Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed guddoomiyihii baarlamaanka.

49 xildhibaan ayaa ucodeeyay in xilka laga qaado guddoomiyaha halka 4 kale ay isaga aamuseen, xiisado colaadeed oo iskasoo horjeedo ayaa laga dareemayaan magaalada Garoowe.

Waddooyinka ugu muhiimsan magaalada ayaa xiran waxaana lagu arkayaa ciidamo daaco u ah Saciid Deni oo gaaf wareegaya, dagaal xalay Garowe ka dhacay ayaa sababay dhimashada 5 qof oo ubadan dhinacyadii dagaallamay iyo qof shacab ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items