Sawirro: Ayax halis weyn ku haya beeraha Wadanka Itoobiya.

Thursday November 07, 2019 - 21:52:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ayax halis weyn ku haya beeraha Wadanka Itoobiya.

    Malaayiin kamid ah beeralayda wadanka Itoobiya ayaa ka cabanaya xasharaadka Ayaxa oo dhibaatada daran ugeysanaya dalagyadii ay beerteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malaayiin kamid ah beeralayda wadanka Itoobiya ayaa ka cabanaya xasharaadka Ayaxa oo dhibaatada daran ugeysanaya dalagyadii ay beerteen.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Xabashida Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ayaxu uu xaalufiyay inta badan dalagyadii ay tacbadeen beeralada ku dhan illaa sedax kamid ah gobollada wadanka ugu waaweyn.

Wasaaradda beeraha Itoobiya waxay sheegtay in loo caal waayay xasharaadka Ayaxa oo isagoo hirar ah ku degaya beeraha islamarkaana cunaya dhirta iyo miraha, Faadima Saciid oo ah madaxda hay'adda FOA ee wadanka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegtay in 100% uu Ayaxu baabi'iyay beerihii kuyiillay gobollada Oromia,Ahara iyo Tigree islamarkaana uu usii gudbay dhulka Somaligalbeed.


Hay'dda FAO oo waxa loogu yeero Q.Midoobay uqaabilsan beeraha ayaa walaac ka muujiyay xaaladda beeraha Itoobiya oo dadka noloshoodu ay ku tiirsantahay waxa ay dhulka kasoo saartaan.

Khatarta ugu daran waxay ka jirtaa beeraha Bunka soo saara oo la sheegay in lagu ilaalinayo diyaaradaha qumaatiga ukaca kuwaas oo sun ku buufinaya Ayaxa, wakaaladda wararka ufaafisa Itoobiya waxay sheegtay in Ayaxa sanadkaan la arkay uu yahay mid ka halis badan midkii hore.




Related Items