Saldhigga Ciidanka Kenya Ee Qooqaani oo la weeraray iyo qarax ka dhacay Kismaayo.

Saturday November 09, 2019 - 11:58:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidanka Kenya Ee Qooqaani oo la weeraray iyo qarax ka dhacay Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda Kenya iyo maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda Kenya iyo maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay Jubbaland.

Xoogagga Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku miray saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee dhaca duleedka degmada Afmadoow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac isweydaarsanayeen, ciidamda Kenya ayaa markii la weeraray kadib madaafiicda goobta ku duqeeyay dhulka howdka ah ee ku dhow Qooqaani.

Dhinaca kale Weerar Bambaano ayaa lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe ee ku sugan mid kamida xaafadaha Magaalada Kismaayo.


Xalay fiidkii ayaa weerar Bambaano lagu qaaday saldhig ay isgoyska Sariiraha ay ka sameysteen maleeshiyaadka maamulka Jubbalanad, qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas ay furayeen ciidamada la weeraray balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay mas'uuliyadda dhammaan weeraradii ka dhacay Jubbada Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items