Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka 'Puntland' oo ciidan aruursi ka bilaabay Sanaag.

Saturday November 09, 2019 - 11:56:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka 'Puntland' oo ciidan aruursi ka bilaabay Sanaag.

    Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ciidan aruursi ka bilaabay deegaannada uu kasoo jeedo ee gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ciidan aruursi ka bilaabay deegaannada uu kasoo jeedo ee gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Xiingalool ee Sanaag ayaa sheegaya in shalay uu halkaasi gaaray Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed oo khamiistii lasoo dhaafay ay xildhibaanno daacad u ah Saciid Deni ay xilka qaadis ku sameeyeen.

Dhoobo Daareed ayaa shalay degmada Xiingalool kulamo kula qaatay odayaal dhaqameeyo iyo siyaasiyiin deegaanka ah wuxuuna wadaa olole uu gaashaanbuursi uga raadsanayo deegaanka uu kasoo jeedo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland uu odayasha deegaanka weydiistay taageero siyaasadeed, dhinaca kale magaalada Garoowe waxaa wali ka jira xiisada colaadeed.


Saciid Deni ayaa wajahaya mucaaradad xooggan oo uga imaanaysa odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta waxayna sharci darro ku tilmaameen qaabkii shaqada looga eryay Dhoobo Daareed.

Khilaafka uu gorodda lagalay maamulka isku magacaabo Puntland ayaa haddii aan xal laga gaarin laga cabsi qabaa in uu isku bedelo gacan ka hadal saameyn ku yeesha dhinacyadii ku heshiiyay dhismaha maamulkan dabadhilifka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items