Taliska AFRICOM oo walaac ka muujiyay Weeraro uga yimaad Xarakada Al Shabaab.

Saturday November 09, 2019 - 20:56:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska AFRICOM oo walaac ka muujiyay Weeraro uga yimaad Xarakada Al Shabaab.

    Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalka qaaradda Afrika ayaa walaac ballaaran ka muujinaya weerarada uga imaanaya dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Stephen Townsend ayaa booqday saldhigga Balidoogle
Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalka qaaradda Afrika ayaa walaac ballaaran ka muujinaya weerarada uga imaanaya dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.



Taliyaha Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Africa ee loo yaqaan (AFRICOM) Jeneraalka lagu magacaabo Stephen Townsend ayaa dhawaan booqasho uu ku tagay magaalada Muqdisho isagoona halkaasi kulamo kula qaatay madaxda ugu sarreysa ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah duullaanka dalka lagusoo qaaday.

 

Stephen ayaa muqdisho kulan kula Farmaajo iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo uu kala hadlay dagaalka Mareykanka uu kula jiro Al Shabaab iyo taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM.



 

Taliyaha AFRICOM ayaa booqashadii uu ku tagay Muqdisho ku sheegay in ay sii xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Shabaabul Mujaahidiin isagoona sheegay in ay Mareykanka uu walaac xooggan ka qabo weerarada sii xoogeysanaya ee ay fuliyaan dagaalyahannada XSHM ee ka dagaallama Bariga Africa .

 

Jeneraalkan hoggaamiyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale sheegay in ay dareeymayaan cabsi iyo khatar xooggan oo ku aaddan in ay Al Shabaab hadda weeraradooda la beegsanayaan Saldhigayada ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Soomaaliya isagoo soo qaatay duullaankii bil ka hor 'mujaahidiintu' ay ku qaadeen saldhiga Mareykan ee ku yaalla garoonka Bali-doogle, halkaasi oo ay Al Shabaab ku dileen 121 Askari oo Americaan ah .

 

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha ugu sarreeya ciidamada mareykanka ee Africa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay Mu'sasada Alkataib garabka warbaahineed ee XSHM ay baahisay Filim ay kasoo muuqanayaan dagaalyahannadii weerarkaas fuliyay.



Related Items