Gaari tiknika ah oo qarax lagula beegsaday agagaarka Jaamacadda Shabelle.

Sunday November 10, 2019 - 08:25:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari tiknika ah oo qarax lagula beegsaday agagaarka Jaamacadda Shabelle.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.


Jugta qarax xooggan ayaa laga maqlay agagaarka Jaamacadda Shabelle ee galbeedka Muqdisho, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ciidamada kasoo gaaray qaraxa waxaana la arkayay gaari Ambalaas ah oo goobta ka qaadaya dhaawacyo iyo dhimasho.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Federaalka oo ku aaddan qaraxa ka dhacay agagaarka Jaamacadda Shabelle.


Related Items